Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho uu halis ku jiro, xilli ay socdaan bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska DF Soomaaliya, Janaraal Cabdalla Cabdalla ayaa qoraal uu soo bandhigay bartiisa, wuxuu ku sheegay in bixitaanka ciidamada Uganda uu khatar amni ku keenayo magaalada caasimadda ah.
"Khatar amni oo aan la dhayalsan karin ayaa dowladdu wajahaysaa ,bixitaanka ciidanka Ugaandha wuxuu keeni doonaa firaaq amni iyo khatar galin amniga caasimadda, ciidankeena masuuliyad ahaan looma diyaarin in ay waajibkaas gutaan." Ayuu ku yiri Janaraal Cabdalla.
Walaaca amni ee xilligan haysta kooxda Gurguurte ayaa durba si weyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wararka qaar waxay sheegayaan in DF oo ciidan yari wajahaysa ay furimaha u diyaarisay inay u daabusho ciidan Booliis ah, gaar ahaan xendaabka Muqdisho.
Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in dareeska millatariga loo xiarayo, maadaama ciidankii millaterigu ay le’deen furimaha dagaalka, kuwii u dambeeyay na lagu laayay weerarkii Jameeco.
